MAQSO Uganda Oo Kampala Si Kooban Ugu Xustay Maalmaha Xuriyadda + SAWIRO








26 Juun 2020, Kampala Uganda
Hogaanka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa Caasimada Kampala ee Uganda ku qabtay munaasabad kooban oo lagu xusayay maalmaha XURIYADA sida 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo oo ah todobaad ku weyn quluubta Umadda Soomaaliyeed.
Maadaama xilligan lesugu imaan karin dalka Uganda munaasabado waaweyn sababo la xiriira safmarka caabuqa Coronavirus ayaa hadane hogaanka MAQSO ee Uganda u suurta gashay in ay si kooban u xusaan/maamuusaan Todobaadka Xuriyadda Soomaaliya maadaama dalka Uganda ay ka mid tahay dalalka inta badan ay wax barashada u joogaan arday Soomaaliyeed isla markaasina si weyn looga xuso maalmaha Qaran ee Soomaaliya.
Mahad gaara Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Md. Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka oo lahaa qaban qaabada kulankaas.
SAWIRO






Comments

Popular posts from this blog

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda Oo Kulan La Yeeshay Hogaamda Ardayda