Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda Oo Kulan La Yeeshay Hogaamda Ardayda
Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Md. Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka ayaa guddoomiyay shir hab fogaan arag ah ku qabsoomay kaasi oo uu la yeeshay Guddoomiyayaasha Ururada Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha wadanka Uganda. Muhiimada shirka ayaa ahaa sidii Ardayda loogu dhiira gelin lahaa u dhabar adeegida Waxbarashadooda maadaama xaalado adag oo ka dhashay Coronavirus lagu guda jiro, iyo sidoo kale u diyaar garowga Imtixaanaadka ay wajihi doonaan A rdayda kadib marka la furo goobaha Waxbarashada dalka Uganda. Jaamacadaha dalka Uganda ayaa hada wajahaya hanaanka Waxbarasho ee Online-ka ah maadaama dhawaan Dowladda si sharci ah u ogalaatay in jaamacadaha ay duruusta ku bixin karaan hab Online ah taasi oo ay jaamacadaha qaar bilaabeen halka kuwa kalana ay wali ku howlan yihiin. WABILLAAHI TOWFIIQ.
Comments
Post a Comment