Kulankii TIRAKOOBKA Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Uganda SEP 2019


25 September 2019, Hogaanka Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee dalka Uganda ayaa ku dhawaaqay Tirakoob rasmiya oo lagu sameeynayo Ardayda Soomaaliyeed Ee wax ka barata Uganda.
Madashani oo ay ku sugnaayeen Wakiilada Jaamacadaha ay wax ka bartaan Ardayda Soomaaliyeed Ee Uganda ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee dalka Uganda Md. Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka kulanka ayaa looga hadlayay Agandayaal dhowr ah, waxaase diirada lagu saaray suurta galnimada Tirakoob rasmiya oo lagu sameeyo dhamaan Ardayda Soomaaliyeed Ee wax ka barata dalka Uganda. Xubnaha madasha ku sugnaa ayaana dood iyo Falaqeynba ka yeeshay Fulinta Agandahaasi.
Intaasi kadib Wakiilka Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee Uganda Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdulle Fiidka ayaa wakiilada Jaamacadaha ku amaanay howsha ay u hayaan Ardayda, waxa uuna bogaadiyay gudiyada, dardar gelinta Tirakoobka Ardayda.

SAWIRO






Comments

Popular posts from this blog

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda Oo Kulan La Yeeshay Hogaamda Ardayda

MAQSO Uganda Oo Kampala Si Kooban Ugu Xustay Maalmaha Xuriyadda + SAWIRO