Posts

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda Oo Kulan La Yeeshay Hogaamda Ardayda

Image
Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Md.  Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka  ayaa guddoomiyay shir hab fogaan arag ah ku qabsoomay kaasi oo uu la yeeshay Guddoomiyayaasha Ururada Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha wadanka Uganda. Muhiimada shirka ayaa ahaa sidii Ardayda loogu dhiira gelin lahaa u dhabar adeegida Waxbarashadooda maadaama xaalado adag oo ka dhashay Coronavirus lagu guda jiro, iyo sidoo kale u diyaar garowga Imtixaanaadka ay wajihi doonaan A rdayda kadib marka la furo goobaha Waxbarashada dalka Uganda. Jaamacadaha dalka Uganda ayaa hada wajahaya hanaanka Waxbarasho ee Online-ka ah maadaama dhawaan Dowladda si sharci ah u ogalaatay in jaamacadaha ay duruusta ku bixin karaan hab Online ah taasi oo ay jaamacadaha qaar bilaabeen halka kuwa kalana ay wali ku howlan yihiin. WABILLAAHI TOWFIIQ.

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda Oo Kulan la qaatay Gudoomiyayaasha

Image

Shirka Sanadlaha Ah Ee Hogaamada Ardayda Soomaaliyeed Ee Dalka Uganda 2020

Image
31 January 2020, Wakiilka MAQSO ee dalka Uganda Md. Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka ayaa shir guddoomiyay Madasha sanadlaha ah ee sanadkiiba mar ay isku arki doonaan Hogaamada Ururadda Ardayda Soomaalida ee Jaamacadaha dalkani Uganda, waxaana sanadkaan ugu muhiimsanaa Ajandayaasha shirka looga hadlay Caqabadaha soo wajaha ardayda iyo qodobo kale. SAWIRO

Kulankii TIRAKOOBKA Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Uganda SEP 2019

Image
25 September 2019, Hogaanka Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee dalka Uganda ayaa ku dhawaaqay Tirakoob rasmiya oo lagu sameeynayo Ardayda Soomaaliyeed Ee wax ka barata Uganda. Madashani oo ay ku sugnaayeen Wakiilada Jaamacadaha ay wax ka bartaan Ardayda Soomaaliyeed Ee Uganda ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee dalka Uganda Md. Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka kulanka ayaa looga hadlayay Agandayaal dhowr ah, waxaase diirada lagu saaray suurta g alnimada Tirakoob rasmiya oo lagu sameeyo dhamaan Ardayda Soomaaliyeed Ee wax ka barata dalka Uganda. Xubnaha madasha ku sugnaa ayaana dood iyo Falaqeynba ka yeeshay Fulinta Agandahaasi. Intaasi kadib Wakiilka Ardayda Qaranka Soomaaliyeed Ee Uganda Mudane Cabdiqaadir Cumar Cabdulle Fiidka ayaa wakiilada Jaamacadaha ku amaanay howsha ay u hayaan Ardayda, waxa uuna bogaadiyay gudiyada, dardar gelinta Tirakoobka Ardayda. SAWIRO

Maalinta Afka Hooyo Ee 21-ka FEBRAAYO OO Lagu Xusay Caasimada Kampala Ee Uganda

Image
Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa xalay Magaalada Kampala ku qabtay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee AFKA HOOYO. Munaasabada ayaa waxaa ka qeyb galay Arday, Abwaano, Ururada dhalinyaradda, Guddoomiyayaasha Jaamacadaha, La taliyaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda H. E. Jibril Afyare iyo Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Md.  Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka  oo soo agaasimay munaasabada. # MAQSOUganda # MAQSO2020 SAWIRO

Booqashadii Aan Ku Tagnay Jaamacadda Kampala University FEB 2020

Image
Bismillaah, 29th February 2020, Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Md.  Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka  oo ay wehliso wasiirka Maalliyadda ayaa booqday Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Kampala University (KU) soo dhaweyn kadib, Wakiilka ayaa kulan is xog wareysi ah la yeeshay Guddoomiyaha Ardayda Soomaalida ee Jaamacadda KU Mudane Ashkir Abukar Ashkir iyo Golahiisa cusub ee wasiiradda. # MAQSO2020   # MAQSOUganda SAWIRO

Wakiilka MAQSO Ee Uganda Ayaa Guddoomiyay Shir Hab-Online ah Oo Ay Yeesheen Guddiga Sare Ee MAQSO Uganda.

Image
Bismillaah, 3 MAY 2020, Kampala Uganda, Wakiilka Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda Md. Abdulkadir Omar Abdulle Fiidka ayaa guddoomiyay shir hab-Online ah kaas oo ay yeesheen guddiga sare ee Midowga Ardayda Qaranka Soomaaliyeed ee dalka Uganda. Kulanka oo marka hore lagu soo dhaweeyay xubno cusub ayaa looga hadlay xaalada ardayda Soomaaliyeed ee dalka Uganda iyadoona warbixino looga dhageystay xubnaha qaar oo ku sugan gobalada dalkaan gaar ahaan EMBALI iyo Embarara oo ka mida gobalada ay ku sugan yihiin ardayda Soomaaliyeed. Sidoo kale kulanka ayaa waxaa leysla gartay in si dhow loola socda xaaladaha ardayda. FG: Waxaa Alla mahadiiya inaysan jirin arday Soomaaliyeed oo laga helay COVID-19 aysan jirin, sidoo kalane aysan jirin wax dhibaato weyn oo hada heysata ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan guud ahaan dalkani Uganda. Mahadsanidiin. SAWIRO